Shirkadda Diyaaradaha Korean Air oo sheegtay inay joojinayso duulimaadyadeedii Kenya

0
957

us_offensive_iraq_512x288_getty_nocreditNairobi,(HargeisaPress) — Shirkadda diyaaradaha Korean Air ayaa maanta ku dhawaaqday inay joojinayso duulimaadyadii ay ku tegi jirtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, cabsi ay ka qabto cudurka Ebola awgiis. Warbixin ay shaacisay shirkadda ayaa lagu xusay in saddex jeer ay toddobaadkiiba ku tegi jireen duulimaadyo toos ah gaaroonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta, ayna joojinayaan duulimaadyadaas goor dhow. “Laga billaabo 20-ka bishan lagu jiro ee Ogoosto si KMG ah ayaan u joojin doonnaa gabi ahaan duulimaadyadii ay diyaaradaheennu ku tegi jireen magaalada Nairobi, wixii warbixinno kale ahna waan soo gudbin doonnaa,” ayaa shirkaddu ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka. Sidoo kale, wasiirka dalxiiska Kuuriya ayaa isna sheegay in xukuumadoodu ay ka baaraan-dagayso sidii ay u joojin lahayd duulimaadyadii ay diyaaradahoodu ku tegi jireen Kenya. “Barteenna Twitter-ka ayaan ku shaacin doonnaa wararka dheeraadka ah ee ku saabsan joojinta duulimaadyada tooska ahayd ee Korean Air ay Kenya ku ugu tegi jireen sida tooska ah. Go’aanka shirkadda Korean Air ay ku joojisay duulimaadyadii ay Nairobi ku tegi jirtay ayaa timid kaddib markii hay’adda WHO ay shaacisay in Kenya ay khatar weyn ugu jirto inuu ka dillaaco cudurka halista ah ee Ebola, tasoo ay sabab uga dhigtay duulimaadyada ay ku tagayaan dalalka uu cudurkani ka dillaacay ee Galbeedka Afrika. Shacabka Kenya ayaa walaac xooggan ka qaba wararka ku saabsan inuu ka dillaaci karo dalkooda cudurka dilaaga ah ee Ebola, iyadoo hay’ado ka mid ah kuwa caafimaadka ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay dowladooda inay arrintan jawaab deg-deg ah ka bixiso. Dhanka kale, warbixin ay soo saartay maanta shirkada Kenyan Airways ayaa lagu sheegay inaysan joojinayn duulimaadyada ay ku tagayaan dalalka ku yaalla Galbeedka Afrika, gaar ahaan kuwa uu cudurka Ebola ka dillaacay. Hargeisa Press News Desk — Hargeysa hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here