Boorama (Hargeisa Press) – Shirkada buugaagta ee Hema Books ayaa magaalada Boorama kulan ugu qabatay qaar ka mid ah Culimada, maamuleyaasha iyo macalimiinta Maraakiista gobolkaasi.
Kulankan ayaa looga hadley sida fudud ee loo isticmaali karo Manhajkii dhowaan wasaarada Diinta iyo Awqaaftu u soo dejisay in laga dhigto madarasadaha iyo maraakiista.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Badhasaabka gobolka Awdal, Maayirka degmada, isuduwaha wasaarada Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Awdal, Culimaa u diin iyo Maamuleyaasha iyo Macalimiinta madaariista kala duwan ee magaalada.