Abiy Ahmed oo Xabsi Guri Geliyay Wasiirkiisii Difaaca

0
1652

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, Lemma Megerssa, oo mar ay xulufo dhow ahaayeen ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa la geliyey xabsi guri, sida ay werinayaan warbaahinta dalkaas.

Wargeyska Addis Standard iyo sidoo kale, Ethiopia Insider ayaa labaduba xaqiijiyay warkan.

Xogta Addis Standard ayaa sheegeysa in taliyaha ciidamada difaaca Itoobiya Jeneral Adem Mohammed uu habeenkii Salaasada u sheegay Lemma inuu ku negaado gurigiisa oo ku yaalla waddada Bole ee magaalada Addis-Ababa illaa “amar dambe laga soo saarayo.”

Sidoo kale, qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda difaaca, oo ay ku jiraan xoghayihiisa ayaa loo diiday inay galaan xafiiska wasiirka, waxaana goor dambe baadhitaan ku sameeyay ciidamada booliska federaalka.

Lemma oo Oromo ah ayaa waxaa wasiirka difaaca loo magacaabay 18-kii April 2019.

Xidhiidhka Lemma iyo Abiy Ahmed ayaa xumaaday kadib markii uu si furan u cambaareeyay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, isaga oo kasoo horjeestay qorshihii lagu burburiyey isbahaysiga EPRDF, kaasi oo lagu bedelay xisbiga PP.

Xiisadda labada mas’uul ayaa kasii dartay kadib markii la dilay heesaagii Oromada ahaa ee Haccaaluu Hundessa, taasi oo hogaamisay in la xidho shaqsiyaad caan ah oo Oromo ah, kuwaas oo loo xidhay sababo la xidhiidha dibad-baxyadii lagaga soo horjeeday dilka.

Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa Addis Standard u xaqiijiyey in Abiy Ahmed uu ku eedeeyey Lemma inuu xidhiidh la leeyahay Jawar Mohammed, oo ka mid ah ragga u ololeeya Oromada, aadna ay isku hayaan Abiy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here