Shirka Xisbiga Kulmiye oo La-Filayo In Markale Lagu Doorto Madaxweyne Biixi

0
1715

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirka golaha dhexe Kulmiye ee la qorsheeyay in uu magaalada Burco ka dhaco, ayaa la filayaa in lagu doorto Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu markale musharrax u noqdo Kulmiye halka ku xigeenkiisuna noqon doono Maxamuud Sacad Saajin oo hada ah Wasiirka wasaaradda Ganacsiga.

Jagada guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ayaa waxaa loo qorsheeyay Maxamed Kaahin oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, halka ku-xigeenka lagu tartami doono haddii aan tanaasul iman.

Sida uu dhigayo xeerka xisbiga Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa laba xuquuqood ku leh xisbiga oo ah inuu laba teeram isku soo taago Guddoomiyaha xisbiga, laba teeramna isku soo taago musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga, sida uu sheegay Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye, ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Biixi uu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu mar labaad isku soo taago madaxtinimada Somaliland.

Haddii shirka Golaha dhexe ee Kulmiye musharrax madaxweyne loogu doorto Madaxweyne Muuse Biixi, waxa rajo fiican yeelanaya musharraxiinta u ordaya jagada guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye ee Saaxil ka soo jeeda.

Xisbiga KULMIYE, ayaa waxaa uu soo saaray shuruudaha looga baahan yahay musharraxiinta jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga ee lagu dooranayo shirka golaha dhexe ee xisbiga.

Xisbiga, ayaa ku wergeliyay musharraxiinta u tartamaya jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka inay soo xareeyaan waraaq cadaynaysa musharaxnimadooda.

Musharraxiinta u tartamaya jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga, ayaa shuruudaha lagu xidhay waxaa ka mid ah Lacag, Waxaana Musharraxa u tartamaya jagada Madaxweynaha ee xibsiga lagu xidhay inuu bixiyo Lacag dhan 20,000 oo dollar, halka Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka lagu xidhay 15,000 oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here