Shirka Wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya oo Muqdisho Ka Furmay

0
587

Muqdisho (Hargeisa Press) – Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Shirka gollaha wadatashiga ee arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya, kadib markii la qanciyay madaxweynaha maamul goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo shalay qaadacay shirka.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu sheegay in shirkan, oo uu oo uu guddoominayo Ra’iisal Wasaaruhu lagaga hadlayo dardargelinta howlaha doorashooyinka Soomaaliya iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Xafiiska Rooble, ayaa sheegay inuu ka raali-geliyey madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudaalwe tabasho uu ka qabay ka qeyb-galka shirka.

Maamul goboleedka HirShabeelle, ayaa qoraal uu shalay soo saaray ku sheegay inaanu ka qeyb geli doonin shirka wada-tashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, kadib markii uu sheegay inaan lagala tashan, sidoo kalena wixii ka soo baxa ayna khusayn.

Qoraalka xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu yidhi “Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo telefoonka kula hadlay madaxweynaha HirShabeelle Guudlaawe ayaa ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga.”

Madaxweynaha Hirshabeelle, oo maalmihii dhowaa ku sugnaa dalka Turkiga, ayaa shirka maanta furmay kaga qayb-galaya Zoom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here