Shir Lagaga Hadlay Caqabadaha Hortaagan Biyo Galinta Magaalada Hargeysa

0
481

Hargeisa (Hargeisa Press)– Shir balaadhan oo lagaga hadleyay caqabada hortaagan Biyo gelinta magaalada Hargeisa, ayaa maanta lagu qabtay Hargeysa.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wakaalada Biyaha Hargeisa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Biyaha, Isgaadhsiinta, Caafimaadka, Warfaafinta, Maayirka Hargeisa, Maareeyaha Wakaalada Biyaha iyo Shirkada Gacanta ku haysa Biyo gelinta caasimada Hargeisa, Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyaha gobolka Maroodi Jeex.

Kulankan ayaa intii uu socday waxa lagaga Hadley qorsha Biyaha gelinta Hargeisa iyo caqabadaha hortaagan goobaha Biyaha la gelin lahaa, Caqabadahaasi oo ay ka mid yihiin Xadhka Laydhka iyo Cable-leda Internetka ee dhulka hoostiisa la hoos mariyo, Iyagoona masuuliyiinta Xukuumadu ay baaqyo kala duwan u direen Shacabka ku dhaqan magaalada Hargeisa iyo Shirkada Laydhka iyo Internetka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here