Shir Ku Saabsan Maalgashiga Somaliland Oo Nairobi Ka Furmay

0
595

Nairobi (HP): Shir ku saabsan maalgashiga degaamadda Somaliland ayaa maanta ka furmay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay shirkado caalami ah oo danaynaya in ay maalgashadaan Somaliland iyo kuwo doonaya in ay ka baadhaan waxyaabaha khayraadka dhulka hoostiisa ku jira ah.

Shirkan oo ah kii labaad ee noociisa ah waxa kaloo ka qayb gelaya masuuliyiin ka socda xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Maxamuud Xiir (faratoon) iyo xubno kale.

Hadaba waxyaabaha shirkaasi inta uu socdo lagaga hadlayo iyo shirkadaha ka soo qayb galay iyo arrimo kale waxaa ka warbixiyay wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Maxamuud Xiir (faratoon), oo la hadlay idaacadda VOA.

Halkan Ka Dhegayso Waraysiga Wasiir Faratoon:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here