Sheekh Saleebaan oo Looga Yeedhay Xarunta Dambi-baadhista Somaliland Ee C.I.D-da

0
925

Hargeisa (Hargeisa Press) – Sheekh Saleebaan Siciid Cali, Agaasimihii hore ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee xukuumadii Axmed Siilaanyo ayaa sheegay in looga yeedhay xarunta dambi-baadhista Somaliland ee C.I.D-da.

“Xarumaha dawladda waa la iskaga yeedhi karaa oo waa la is-waraysan karaa, walina maan gaadhin, markaa insha allaahu marka aan gaadho,” ayuu yidhi Sheekh Saleebaan.

Agaasimahan hore oo u waramay qaar ka mid ah Warbaahinta Hargeisa ayaan sheegin sababta rasmiga ah ee keentay in xaruntan dambi baadhista looga yeedho, waxaanu ku gaabsaday inuu eegi doono marka uu tago, balse mar la waydiiyey in yeedhmada looga yeedhay xarunta dambi baadhistu inay la xidhiidho shir-jaraa’id oo uu maalintii shalay ku qabtay Berbera, oo uu eedo ugu jeediyey xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa uu yidhi “Wali ismaanaan arag, mana doonayo inaan ka hordhaco waanan eegi doonaa, balse arintaasi waxaan u malaynayaa inay ahayd arin sharcigu ii baneeyey oo rayigayga ah oo xoriyatul qawlka ah, oo aragtidayda iyo waxaan aaminsanahay ah, taana waxa isiinaya distoorkeena inaan ka hadlo, markaa taa uma arko inay khusayso. Markaa wixii ay khusayso markaan u tago ayuunbaan eegi doonaa insha allaahu.” Ayuu yidhi Agaasimihii hore ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali.

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here