Shaqaale Ajaanib ah Oo Lagu Laayay Magaaladda Berbera

0
866

Berbera (Hargeisa Press.com): Ilaa shan ruux oo ajaanib xoogsato ah ayay  dhaawacyo ka soo gaadheen kadib markii dadweyne gadoodsan ay saaka subaxnimadii weerar gacan ka hadal ah ku qaadeen goob ay ka shaqaynayeen magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Dadkan weerarka gaystay oo ku hubaysnaa Budhadh iyo Mindiyo waxay ku weerareen shan qof oo u dhashay dalka Bangaladesh, kuwaasoo qaarkood dhaawacyo culus loo gaystay oo lagu daawaynayo cusbitaalka magaaladda Berbera.

Shanta qof ayaa lagu soo waramayaa in ay soo gaadheen dhaawacyo culus iyo kuwo fudud.Kadib markii dad la sheegay in ay ka cadhaysnaayeen xirfadaha shaqo ee ay ka hayaan magaaladda Berbera ay saaka subaxnimadii ku weerareen goobta ay ka socotay shaqadda dhismeyaal ay ka shaqaynayeen.

Dadka falkaasi gaystay ayay goob joogeyaal warbaahinta u sheegeen in markii ay weerarka u  gaysteen shaqaalahaasi ajaanibka ah in ay goobta isaga yaaceen, isla markaana aanay jirin cid loo soo qabtay dhacdadaasi.

Badhasaabka gobolka Saaxil Eng. Axmed, ayaa  warfidiyeenka u sheegay in sidii uu madaxweynaha Somaliland shaaciyay dadka ajaanibta ah aanay dalka ka qaban Karin  shaqo ay qaban karaan dadka muwaadiniinta.

Hase yeeshee aanay marnaba aqbalaynin in dadka ka cabanaya ajaanibka shaqadii ka saaray aanay iyagu sharciga gacantoodda ku fushan Karin.

“Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland wuxuu inoo iclaamiyay in shaqooyinka ay dadkeenu qaban karaan aanay dad ajaanib ahi qaban Karin, oo ay dadkeenu ka shaqeeyaan. Inagu-na inagoo taa fulinayna waan ogol nahay in wixii shaqo ah ee ay dadkeenu qaban karaan ay muwaadiniintu qabtaan.

Cabashadoodana aanu tixgelino. Laakiin, kuwo u jeedooyinka kale sita ee rebshadda wadda, ee dhibaatadda gaysanaya, cid-na laga yeeli maayo. Qofka cabanayaa waxaa jirta dariiq loo maro, dariiqaa in uu u maro ayaana la doonayaa”ayuu yidhi badhasaabka Saaxil Eng. Axmed.

Waxaanu yidhi “Haddii uu yidhaahdo sharciga gacantayda ayaan ku fushanayaa, oo qof isagii marti u ah, oo dalku ogolaanshiyo siiyay, oo sifo sharciya ku jooga, oo laga yaabo aqoonta uu wato qof garanayaaba in aanu jirin.

Isagoo aan la hubsan aqoonta uu wato in la dhibaateeyo, oo caalamka maalgashadeyaasha ah iyo dadyow kale oo ina danaynayay ay ina arkaan, ma qurux badna”.

Geesta kale badhasaabka Saaxil ayaa intaas raaciyay  in aanay ilaa hadda jirin cid ay falkaasi u soo qabteen. Inkastoo uu xusay in laamaha amaanku ay ku daba jiraan dadkii dhibaatadda u gaystay shaqaalahan ajaanibka ah.

Waxaanu yidhi “Kuwii falkii saaka gaystay, ee dhalinyaradda ahaana booliska ayaa ku daba jira. Waana la baadhayaa arrintaasi”.

Dhaawacyadda shantaas qof ayay masuuliyiinta cusbitaalka Berbera sheegeen in qaarkood uu dhaawacoodu culus yahay oo lafuhu ay jabeen, halka qaarna uu dhaawacoodu fudud yahay.

Dhinaca kale waxaa mudooyinkan danbe jiray cabashooyin ka soo yeedhayay shaqaalaha xirfadleyaasha ah, kuwaasoo ka cabanayay dad ajaanib ah oo ay sheegeen in ay kala wareegeen shaqooyinkii ay nolol maalmeedkoodda ku deberi jireen.

Iyadoo dhacdadan maanta loo arko in ay jawaab u tahay cabashadii shaqaalaha xoogsatadda xirfadleyaasha ah oo ay xukuumadu waxba ka qaban wayday.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here