Nairobi KENYA, (HargeisaPress) –Guud ahaan dalka Kenya, ayaa maanta waxaa looga dabaal-dagayaa xuska 52 sano guuradii ka soo wareegtay markii Kenya ay xornimadeeddii ka qaadatay wadanka Britain oo ku beegneyd 12-kii bishii December, 1963-dii.
Garoonka Kubadda Cagta Nyayo National Stadium ee ku yaallo magaalada Nairobi, ayaa waxaa lagu Qabtay xaflad si weyn loosoo agaasimay oo uu ka qayb-galay Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, isagoo khudbad dheer u jeediyay shacabka dalka Kenya.