Saraakiil ka socda Midowga Yurub iyo Hay’adda EUCAP oo gaadhay Berbera

0
2655

Berbera (Hargeisa Press)- Wefti saraakiil ah oo ka socda Midowga Yurub iyo Hay’adda EUCAP, ayaa maanta waxaa ay gaadheen magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Weftiga, ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha hawlgalka madaniga ah ee Midowga Yurub Stephen Thomas oo ay weheliso Madaxa hawlgalka Hay’adda EUCAP ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Saraakiishan, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha guud ee Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Axmed Hurre Haariye, Maamulka gobolka Saaxil iyo saraakiisha ciidanka ilaalada xeebaha.

Ujeedada socdaalka weftiga, ayaa la xidhiidhay sidii ay wax uga ogaan lahaayeen hawlaha Midowga Yurub iyo Hay’adda EUCAP la qabtaan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Taliyaha ciidamada illaalada Xeebaha Somaliland axmed Hurre Haariye iyo saraakiisha ciidanka, ayaa weftiga warbixin ka siiyay qaabka ay ciidanka illaalada xeebuhu u ilaaliyaan xeebta dheer ee Somaliland, hawlaha ay ka qabtaan la dagaalanka budhcad-badeedda, maraakiibta sharci darrada ah ee soo gasha gacanka carabta iyo guud ahaan Somaliland.

Waxaa kale oo ay weftiga uga xog-warameen waxyaabihii uu Ciidanka Illaalada Xeebaha Somaliland qabsaday tan markii ay dalka Somaliland madax-bannaanidiisa la soo noqday 1991-kii.

Taliyaha hawlgalka madaniga ah ee Midowga Yurub Stephen Thomas, ayaa sheegay in ay si weyn ula shaqeeyaan Somaliland iyo Ciidanka Illaalada Xeebaha, isagoona sheegay in ujeedka ay u socdeen ay tahay sidii ay u soo indho-indhayn lahaayeen waxyaabaha uu Midowga Yurub la qabto Somaliland iyo mashaariicda ay ka taageeraan ciidanka illaalada xeebaha Somaliland.

Stephen Thomas, ayaa wuxuu balanqaaday in ay sii wadi doonaan xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland iyo ciidanka ilaalada xeebaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here