Saraakiil Itoobiyaan Ah oo Gaadhay Maamul Goboleedka Puntland

0
734

Garoowe (Hargeisa Press) – Madaxda maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa magaalada Garoowe kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo qunsulka Itoobiya ee maamulkaasi, Dagnachew Yitbarak.

Kulankan, ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere, taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta iyo saraakiil kale.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada maamulkaasi Puntland.

Dowladda Itoobiya, ayaa kordhisay xidhiidhka iyo la macaamilka ay la sameynayso maamul goboleedyada Soomaaliya wixii ka dambeeyay markii dabayaaqadii bishii tegtay ay Al-Shabaab billaabeen weerar ay ku qaadeen gobolka Soomaalida Itoobiya.

Hore ayay sidoo kale saraakiil Itoobiyaan ah Baydhaba kula kulmeen madaxweynaha mamaulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyada oo kadibna Laftagareen uu booqasho ku tegay Itoobiya.

Kulamadan, ayaa imanaya iyada oo mugdi uu ku jiro xidhiidhka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqday dhammaan dalalka Afrika tan iyo markii dib loo doortay madaxweynaha Soomaaliya 15-kii May 2022, ayaan weli booqan Itoobiya oo ciidamo badan ay ka joogaan Soomaaliya.

Xasan Sheekh, ayaa dhanka kale booqday dalka Masar oo Itoobiya ay ka dhaxayso xiisad ka dhalatay biyo-xidheenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile.

May be an image of 5 people and indoor

May be an image of 5 people, people standing and military uniform

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 2 people, people sitting and military uniformMay be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 2 people, people sitting and military uniform

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 5 people, people standing and military uniform

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here