Sanduuqa horumarinta Dhallinyarada Somaliland iyo Shirkada Micro-Dahab oo heshiis kala saxeexday

0
1230

Hargeysa (Hargeisa Press)- Sanduuqa horumarinta Dhallinyarada Somaliland iyo Shirkada Micro-Dahab, ayaa maanta waxaa ay kala saxeexdeen heshiis wada shaqayneed.

Heshiiska, waxaa sanduuqa dhalinyarada Somaliland u saxeexay Agaasimaha fulinta Khadar Ibraahim, halka dhanka Shirkada Micro-Dahab uu isna u saxeexay Maareeyaha guud ee shirkadaasi Cabdibaasid Cismaan Jaamac.

Heshiiskan ay kala saxeexdeen Sanduuqa Dhallinyarada Somaliland iyo Shirkada Micro-Dahab, ayaa ku saabsanaa maal-gelinta ganacsiyada yar yar ee dhalinyarada.

Dhinaca kale, waxaa munaasibadan labada dhinac heshiiska ku kala saxeexanayeen goob joog ka ahaa, Guddoomiyaha guddida sare ee sanduuqa Dhalliyaradda Somaliland, ahna Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirisaq Muuse Faarax, Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyada Sacad Cali Shire, Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi, Agaasimaha guud ee Hay’adda Caymiska qaranka Cabdiraxaman Muse Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka ururka Baananka Cabdisalaan Gaboobe, Masuuliyiin iyo hawlwadeen ka socday Sanduuqa dhallinyarada iyo Dahabshiil Group.

Waxaana heshiiska qodabadiisa ugu muhiimsan ka mid ahaa sidan:-

1.Abuurista Barnaamij wadaag ah oo ay iska kaashanayaan labada dhinac, si isleegna u maalgalinayaan.

2.Inuu barnaamijkani noqon doono mid ganacsiyada yar yar ee  dhalinyaradu ka helaan deyn aan faa’iido laga dooneyn (QARDUXASAN).

3.In sanduuqu lahaado kormeerka guud ee barnaamijka maalgalinta ganacsiyada yar yar iyo bixinta kharashaadka ku baxaya hirgalainta barnaamijka.

4.In shirkada maxaliga ah ee MICRO-DAHAB fuliso adeega bixinta maalgalinta iyo deyn soo celinta.

5.In labadda dhinac si isku mid ah iskaga kaashadaan wixii caqabado ka hor yimaada barnaamijka maalgalinta ganacsiyada yar yar ee dhalinyarada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here