Saluuga Reer Awdal oo Ifka U Soo Saaray Loolan Ka Dhexeeya Saylici iyo Wasiir Saajin

0
2496

Hargeisa (Hargeisa Press)- Kulankii shalay dhex maray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Odayaasha Dhaqanka reer Awdal ee ay kaga cabanayeen saamiga golaha Wakiiladda Somaliland ayaa waxa uu ifka usoo saaray arin qarsoonayd oo u dhexaysa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Wasiirka Ganacsiga  Maxamuud Xasan Sacad Saajin.

Waxa ifka u soo baxday in Wasiirka ganacsigu Maxamud Saajin uu loolan ugu jiro inuu doorka dambe badelo Cabdiraxmaan Saylici islamarkaana uu bannaan ka helo Kursiga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee Xisbi Xaakimka Kulmiye, Waxaana arinta laga ogaaday Kulankii Shalay taasi oo ay noo xaqiijiyeen Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkaasi Awdal kuwaasi oo sheegay in Wasiir Saajin oo qorshihiisan oo aan qarsoonnayn wataa uu Saylici kaga badiyay inuu door mihiim ah oo madaxtooyaddu u riyaaqday uu ka ciyaari kulankii shalay.

Wasiir Saajin ayaa ku guulaystay inuu labadii Suldaan ee ugu Tunka weyna Beeshiisa, Suldan Saleebaan iyo Suldaan Xasan Xadi Baadi uu ka dhaadhiciyo qorshaha Xukuumaddiisu wadato, halka uu Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ku qancin kari waayay Suldaankii jufadiisa ahaa, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar inuu Xukuumadda kala shaqeeyo qorshaha ay ku baadi goobayso inay wakhtigeeda ku qabsoonto doorashada golaha Wakiiladdu.

Isku soo wada xooriyoo, Warka ku saabsan in Wasiir Saajin waysada u biyaysanayo inuu doorka dambe badelo Saylici ayaa si weyn mudooyinkii u dambeeyay ugu dhex faafay shacabka reer Awdal.

Waxaanay wararku sheegayaan in Wasiirka laftiisu aanu qarsan loolankan ee uu jufooyinkiisa ka dhex ololaysto islamarkaana ku qanciyo inay doorkan soo socda kursiga Madaxweyne ku xigeenka iyagu iska leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here