Sahra Halgan: Xidig faneed iyo halgamaa u taagan aqoonsiga Somaliland

0
1924

Hargeysa (Hargeisa Press)- Fannaanada caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan), ayaa ka mid ahayd dadkii ka qaxay Somaliland ka dib taliskii arxan darada ahaa ee Siyaad Barre, taasoo keentay in dalkii la isku odhan jiray Jamuuriyadii Soomaalida uu burburo.

Caasimada Hargeysa, ayaa isu rogtay burbur, waxaana burburay adeegyadii bulshada iyo agabkii ay isticmaali jireen dadku.

Intii lagu jiray colaadda dabayaaqadii 80-meeyadii iyo horraantii 90-meeyadii, Sahara Halgan waxa ay u shaqaynaysay kalkaaliye caafimaad, laakiin had iyo jeer waxa ay aad u jeclayd muusiga.

Dhaqdhaqaaqii Waddaniga Soomaaliyeed (SNM) wuxuu dagaal kula galay ciidamadii kali taliska Soomaaliya ee ku sugnaa gobollada Somaliland, iyagoo gacanta ku dhigay gacan ku heynta dalka Somaliland 1991-kii.

“Ma aanan haysan dawo, xanuun baabi’iye ama antibiyootik. Waxba maanu haysan. Waan heesi lahaa heesahayguna waxay noqon lahaayeen xanuun baabiiyaha,” ayay Sahra Halgan sheegtay.

Waxa ay qaadi jirtay heeso ka turjumaya shucuurtii ururkii SNM oo ay ku doonayeen in ay xukunka ka tuuraan taliskii Siyaad Barre, waxaanay caan ku noqotay heeso ay ku muujinayso in Somaliland loo aqoonsanayo dal madax-banaan.

Ilaalinta dhaqanka Somaliland

Sahra Halgan waxa ay ka tagtey Somaliland 1991-kii, iyada oo dib u degtay Faransiiska. Weligeed kuma ay fikirin inay soo noqonayso, laakiin waxay ka baqatay in sida kuwa kale oo kale, dhaqanka qaniga ah ee dalkeeda uu noqdo khasaare kale oo dagaal.

“Waxaan doonayay inaan wax u abuuro fanka sababtoo ah halkan waxba kumay haysan – markaa taasi waa waxa aan sameeyay,” ayay tidhi.

Sahra, ayaa dib ugu soo laabatay Somaliland si ay uga qayb qaadato dib u dhiska dalka Somaliland ka dib markii in badan oo ka mid ah ay ku burburtay dagaaladii.

Sahra Halgan waxa ay furtay xarunta fanka iyo dhaqanka “Hiddo-Dhowr” 2013, oo ah mid ka mid ah goobaha fanka ee Somaliland.

“Dhallinyarada reer Somaliland waxay doonayeen inay tagaan Yurub, waayo halkan waxba may haysan,” ayay hadalkeeda sii raacisay.

“Laakiin hadda xarunta dhaqanka ayaa siinaysa meel ay ku wada xaajoodaan, ku heesaan iyo xitaa qoob ka ciyaarka.”

Xarunta “Hiddo-Dhowr” ee Hargeysa

“Hiddo-Dhowr” waxa loo nashqadeeyay hab-dhaqanka guryaha Soomaalida, waana goob ay ku nool yihiin abwaannada iyo fannaaniinta Somaliland.

Sahra Halgan, ayaa xaruntan furtay iyadoo gacan dhaqaale ka heshay Sanduuqa Ganacsiga Somaliland oo qayb ka ah Baanka Adduunka, waxaana ka shaqeeya in ka badan 20 qof.

Aqoonsiga Somaliland

Muusigu weli waa qayb ka mid ah nolosheeda oo waxay u adeegsanaysaa qalab ay ku soo jiidan karto qadiyad waligeed la jecel yahay oo ah aqoonsiga dowladnimada Somaliland.

Sahra iyo labadeeda koox, Aymeric Kroll (bidix) iyo Maël Saletes (midig), kuwaas oo ay kula kulantay Lyon, France.

In kasta oo 33 sanno oo nabad ah laga soo bilaabo markii lagu dhawaaqay Somaliland in ay ka go’day Soomaaliya 1991-kii, ma jiro hal waddan oo aqoonsaday dowladnimadeeda.

Sahra Halgan iyada oo adeegsaneysa muusigeeda iyo aragtideeda qayaxan ee xaaladda dalka, waxa ay rajaynaysaa in ay arrintan wax ka beddesho. Iyada oo kooxdeeda ah waxay iftiiminaysaa dagaalka iyo halganka aqoonsiga dhagaysteyaasha adduunka oo dhan.

“Waxaan u maleynayaa markaad heesayso, waad nooshahay”

Fannaanada oo adkeysigeeda masraxa ku jirta iyo sida ay ugu dhiiratay in ay maskaxdeeda ka hadasho, ayaa ka dhigtay xidig weyn oo ka tirsan Somaliland.

Laakin inkasta oo Somaliland caqabado soo food saartay, waxay ku rajo weyn tahay in mustaqbalku ifayo. “Mustaqbalku wuu fiicnaan doonaa. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan aqoonsi heli doonnaa,” ayay tidhi. Waxaanay raacisey “Weligeen ma quusan doono,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here