Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo wefti balaadhaan oo uu hoggaaminayo, ayaa waxaa ay saaka ka anbabaxeen dalka, iyagoo u anbabaxay dalka Imaaraadka.
Madaxweyne Cabdiraxmaan oo diyaarad khaas ah ka raacay barqadii saaka soonka Diyaaraddaha ee Hargeysa wax faah-faahin ah lagama bixin ujeeddada safarkiisa oo noqonaya kii ugu horreeyay ee uu dalka kaga baxay, tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee Somaliland ka qabsoontay 13 Noverber ee 2024-kii.
Hase yeeshee waxa jira warar sheegaya in Madaxweynuhu inta uu ku sugan yahay dalka Imaaraadka kulamo la yeelanayo masuuliyiinta Imaaraadka (UAE) iyo weliba Saraakiil ka socota dalka Mareykanka, wallow aannay Shabakada HargeisaPress xaqiijin karin wararka sidaa sheegaya.
Balse sida uu ku sheegay qoraal saxaafadeed koobban Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa xusay in Madaxweynuhu diyaarad khaas ah oo ah Royal Jet ka raacay Garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport ee Hargeysa.
Safarka Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo noqonaya safarkii ugu horreeyey ee uu dalka dibadiisa ugu baxo intii uu xilka la wareegay, wuxuu sheegay in ay ku wehliyeen Wasiirka Arrimaha Dibedda , Wasiirka Madaxtooyadda, Wasiirka Maaliyadda iyo Horrumarinta dhaqaallaha, Taliyaha Sirdoonka, La-Taliyaha sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaallaha, Madaxa Xafiiska Madaxweynaha iyo hawl wadeeno kale.
Sidoo kale, safarka madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey marwada koowaad ee Qaranka Marwo Farduus Maxamed Rooble. Sida uu Afahayeenku ku sheegay qoraal koobban.
“Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ku sugnaan doonan dalka Imaaraadka Carabta muddo saddex cisho ah iyo kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dawladda Imaraadka Carabta. kalana hadli doonaan arrimo mudnaan u leh labada dawladood iyo labada shacab.” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.
Waxaa kale oo uu xusay in muddada uu Madaxweynuhu booqashada ku joogo dalka Imaraadka Carabta kulan la yeelan doono jaaliyada reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaraadka Carabta, balse Afhayeenku kuma aanu xusin war-saxaafadeedka marka laga yimaado madaxda dalka Imaaraadka iyo inay jirto cid kale oo uu la kulamayo marka laga reebo masuuliyiinta aannu xusin ee UAE.
Dhinaca kale, marka la eego xubnaha wefdiga, waxa muuqata in Madaxweynaha safarkiisa aannay ka madhnayn arrimo dhaqaale iyo mashaariic aan la ogayn dhanka ay ka imanayaan iyo nooca ay yihiin.
Waxayna booqashadiisu ku soo beegantay iyadoo Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waajahayso dhaqaale xumo iyo duruufo siyaasaseed oo ay ku jiraan collaado, kuwaas oo ay ka dhaxashay xukuumaddii ay xilka kala wareegtay ee Madaxweyne Biixi.