Roobab Ka Da’ay Magaalada Hargeysa iyo Daadad Ka Dhashay

0
1240

Hargeysa (Hargeisa Press) – Waxaa caawa magaalada Hargeysa ka da’ay Roobab xoogan oo socday mudo saacado ah, iyadoo ay ciidamada Dab-demiska ee magaalada Hargeysa ay gurmad ka sameeyeen goobo kala duwan.

Roobka xooggiisa, ayaa bilaabmay gelinkii dambe ee maanta ku dhawaad Maqribkii, waxaana sidoo kale roobabkani jareen waddooyin muhiim ah oo magaalada Hargeysa ku yaalla.

Daadad ka dhashay Roobabka, ayaa ku fatahay xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa islamarkaana halis geliyay nolosha dadweynaha qaarkood.

Ciidamada Dab-demiska, ayaa sheegay inay gurmad ka sameeyeen Guryo ay daadad galeen, iyagoona sheegay in daadkaas ay ka saareen guryaha, sidoo kalena ka samatabixiyeen dadkii guryahaasi ku jiray.

Saraakiisha dab-demiska, ayaa sidoo kale tilmaamay in ay gaadiid kala duwan ka reebeen daadadka, iyagoona xusay in aanay jirin khasaare dhimasho iyo dhaawac oo roobabkaasi sababeen.

Saraakiisha ciidanka Dab-demiska, ayaa fariin diray bulshada Somaliland gaar ahaan kuwa caasimada Hargeysa iyagoona ugu baaqay inay ka taxadaraan Godadka, laagaha, dooxyada iyo biyamareenada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here