JUBA, South Sudan (HargeisaPress) — Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan, Salva Kiir ayaa u magacaabay madaxweyne ku xigeen ninka uu loolanka siyaasadeed kala dhaxeeyay ee Riek Machar.
Tallaabadan ayaa imaanaysa kaddib markii dhiacyada isku haya South Sudan isku haya ay heshiis gaareen, kaasoo haatan u muuqda in horumar weyn laga gaaray fulintiisa.
Riek Machar oo ah hoggaaminaya Mucaaradka Koonfurta Suudaan ayaa wuxuu horay u ahaa madaxweyne ku xigeenka waddankaas, laakiinse khilaaf soo dhex-galay isaga iyo madaxweynaha dalkaas ayaa sababay in xilka laga eryo.
![South Sudan President Salva Kiir (left) and rebel commander Riek Machar exchange documents after signing a ceasefire agreement during the IGAD Summit in Addis Ababa. Kiir and Machar signed another ceasefire agreement this week. [PHOTO: REUTERS]](https://i0.wp.com/hargeisapress.com/wp-content/uploads/2016/02/zetyjcrkpcnqrcl56be2869552cc.jpg?resize=353%2C233)
Dhanka kale, Riek Machar ayaa soo dhaweeyay xilka loo magacaanay mar kale, isagoo ku tilmaamay mid qayb weyn ka qaadan kara nabadeynta dalka South Sudan.
Waddanka Koonfurta Sudan ayaa ka go’day dalka Suudaan oo ay muddo dheer wada dagaalamayeen, inkastoo dalkan ay lasoo daristay nasiib-darro weyn iyo colaado sokeeye oo salka ku haya awoodda xuikunka dalkaas.
Ugu dambeyn, Arrimaha sida weyn la isugu hayay ayaa waxaa ka mid ahaa inay awoodda si siman u qaybsadaan labada qabiil ee ugu waaweyn dalkaaas oo ay kasoo kala jeedaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa