“Reer Xagaleed balanteenu waa in qof walba Muuse Biixi u codeeyo”

0
862

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa waxaa uu dhoolatuska ololaha xisbiga Kulmiye ee maalintiisa labaad uu kala qaybgalay shacabka degmada Xagal.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland, ayaa shacabka degmada Xagal oo isu soo baxyo waa weyn ku muujiyay taageerada KULMIYE, u jeediyay dhinacyo badan taabanaysa.

Waxaanu guddoomiyuhu uga mahadnaqay shacabka degmada Xagal sida milgaha leh ee ay u soo dhaweeyeen iyo weliba taageerada ay u muujiyeen Xisbiga KULMIYE, isla-markaana ay u garab taagan yihiin xisbiga.

Guddoomiye Qodax, ayaa shacabka degmada Xagal kula dardaarmay in maalinta codaynta doorashada ay codkooda siiyaan Madaxweynaha Somaliland iyo xisbiga Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here