“Reer Diloow codkiinu waa inuu noqdaa mid qaranka walaaleeya”. Madaxweyne Biixi

0
1135

Dilla (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Dila ee gobolka Awdal.

Taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo ku lebbisan astaamaha xisbiga, caleemo qoyanna lulaya, islamarkaana ay hoggaaminayaan madaxda gobolka Awdal, kuwa degmada Dila,wasiirro, madaxda dhaqanka iyo haldoor kale, ayaa madaxweynaha kaga hortegay duleedka Bari ee magaalada, waxana ay u gelbiyeen goob fagaare ah oo loo asteeyey in shacabka lagala hadlo.

Qaar kamid ah madaxda dhaqanka ee degmada Dila oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Dila uga mahadnaqay sida miglaha leh ee ay u muujiyeen taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in bulshada ay metelaan taageero dhab ah u hayso murrashaxnimada madaxweyne Muuse Biixi iyo murrashax-ku-xigeenkiisa, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Madaxda gobolka Awdal iyo kuwa degmada Dila oo halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey in shacabka degmada ku dhaqani taageero buuxda u hayaan xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, islamarkaana ay codkooda siin doonaan maalinta cod-bixinta.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, ahna murrashaxa jagada madaweyne-ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE, Maxamuud Xasan Sacad Saajin, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo xubnaha uu hoggaaminayo, waxana uu hoosta ka xarriiqay in shacabka reer Dila safka hore kaga jiraan taageerada uu xisbiga KULMIYE ku leeyahay guud ahaanba dalka.

Madaxweynaha Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo kelmado kooban halkaas ka jeediyey, ayaa  bulshada reer Dila si mug leh ugaga mahadnaqay soo dhaweynta diirran iyo taageerada ay u sameeyeen waxana uu xusay inuu  ka murrashax ahaan kalsooni  la dhacsan yahay taageerada halkaas looga muujiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here