Boorama (Hargeisa Press)- Dadweynaha reer Boorama, ayaa maanta mahrajaanno indho-daraandar ah oo aan la qiyaasi karin ku soo gunaanaday ololaha doorashada ee xisbiga KULMIYE.
Kumannaan ka mid ah shacabka reer Boorama oo isugu soo baxyo waa weyn oo dhoolatus ah oo ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE ka sameeyay gudaha magaalada.
Waxaana ay kumaanaanka shacabka ah ee reer Boorama ee xisbiga KULMIYE taageerada u haya ay isugu soo biyo-shubteen fagaaraha khayriyada, iyagoona buux-dhaafiyay fagaaraha.
Sidoo kale, waxaa ay mar kale soo bandhigeen shacabka magaalada Boorama baaxadda taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE.
Kumanaan iyo kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Boorama, waxaa isu soo baxyada kala qayb galay Murashaxa Madaxweyne ku-xigeen ee KULMIYE, wasiirro, xildhibaano, madaxda ololaha ee xisbiga ee gobolka, siyaasiyiin, aqoonyahan, madax-dhaqmeed iyo masuuliyiin kala duwan.