Berbera , (HargeisaPress) —Shirkadda shidaalka ee Redsea petroleum ayaa yeelatay masuuliyada shidaal wasakhaysan oo naafto ah oo khal khal iyo jahawareer ku riday dadkii isticmaali jiray shidaalka naaftada ee isugu jiray gaadiidka warshadaha waawayn ee dalka ka jira,kuwaasi oo walaac wayn ka muujiyey shidaal naafto ah oo isugu jira naafto iyo biyo oo dhawaan markab u rarnaa shirkada redsea uu ku shubay haamaha gaarka u ha kaydka naaftada,ee k u yaala isla xerada kaydka haamaha shidaalka ee magaalada berbera.
Sidoo kale dhamaanba kaalmaha iibiya shidaalka ee ku yaala magaalooyinka dalka ayaa dib u celiyey booyado shidaal naafto ah ka soo qaaday magaalada,berbera ka dib markii ay ogaadeen in shidaalkani yahay mid halis iyo waxyeelo ku ah cid kasta oo u isticmaasha naafto ahaan,waxaanay haatan xerada kaydka haamaha ee magaalada berbera ku sugan ku dhawaad 50 booyadood oo iyagoo dhaansan ku soo laabtay xerada haamaha kaydka shidaalka,maxamed cabdi aadan oo ka mid ah dirawalinta wada mid ka mid booyadaha ku laabtay magaalada berbera ayaa waxa uu yidhi,walaal shallay ayaa anigoo sida shidaalkii waxaan dib ugu soo laabtay isla magaalada berbera,waxaana sababay cidii aan shidaalka u siday oo sheegtay in shidaalkani wasakhaysan yahay oo aanu ahayn shidaal sax ah markaana waxay ii sheegeen inaan ku celiyo halkii aan ka soo qaaday waanan soo dhaqaaqay imikana waxaan jooga xeradii haamaha kaydka shidaalka,walina cidi noomay iman intaa gaadiid way soo socdaan iyagoo soo celiyey shdiaalkii ay qaadeen.
Mid ka mid ah ganacsatada kaalmaha shidaalka ee magaaalada hargeysa, oo la soo xidhiidhay HargeisaPress ayaa iyaguna xaqiijiyey inay celiyeen shidaal naafto ah oo aan ahayn shidaal sax isuguna jira biyo naafto .arintan ayaa keentay in kaalmuhu xakeemayaan naaftadii saxda ahayd ee ay hore u hayeen balse waxa kordhay sixirkii qiimaha litirka naaftada oo ay ku korodhay 700sl shilin
Geesta kale midawga shirkadaha shidaalka ee la wareegay gacan ku haynta haamaha kaydka shidaalka ayaa arintan aan wax jawaab ah ka bixin iyadoo la sheegay in dhexdooda khilaaf ka dhex abuurmay,khilaafkaasina uu salka ku hayo in shirkada redsea ay siday doonto ka yeesho isticmaalka haamaha iyo keenista shidaalka maaddaama awooda ugu badan ay shirkadaasi maroorsatay taasina ay kaliftay in shidaal aan soo marin LAB-ka hubinta tayada shidaalka ay dalka keentay
Waana arintii ugu haista badnayd ee dalka ka dhacda abid ama la keeno shidaal noocaas oo kale ah lamina garanayo talaabda laga qaadi doono shirkada redsea.
M Guray.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa