Addis Ababa (Hargeisa Press) – Wararka hada naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa waxaa ay sheegayaan in Rasaas aad u xoogan oo aan kala joogsi lahay laga maqlayo magaalada Addis ababa.
Wararka, ayaa waxaa ay sheegaya in rasaastu ay ka dhacayso barxada ugu weyn magaalada Addis Ababa oo lagu tukanayay salaada Ciidda.
Muqaal lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinaya qiiq hawada isku shareeray iyo dadkii halkaasi ku tukanayay oo qaylinaya islamarkaana kala cararaya.
Qaar ka mid ah dadka ku sugan garoonka kubadda cagta ee magaalada Addis Ababa oo ah halka lagu tukanayay Salaada Ciidda, ayaa sheegay in markii la marayay ragcaddii koobaad ee salaada uu buuq bilowday kadibna rasaas ay bilaabantay.
Goobtan ay rasaastu ka dhacayso, ayaa waxaa isugu yimi Tobanaan kun oo ka mid ah Muslimiinta ku dhaqan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay rasaasta dhacaysa barxada ugu weyn ee Addis Ababa ee lagu oogayay salaada ciida iyo cida ridaysaba.