Ra’iisal Wasaare Khayre: Mudo Kordhintu Waxay Horseedaa Qalalaase Siyaasadeed

0
1207

Muqdisho (Hargeisa Press)- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay waxyeellada ka dhalan karta muddo kororsi ay sameysato dowladda Soomaaliya.

Khayre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagaga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay mowqifkiisa, isagoo sheegay “inaanu oggolaan doonin muddo kordhin, doorashaduna ay xilligeeda ku dhici doonto”.

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo wakhtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay fahansan tahay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo wakhtiga doorashada iyo in loo hoggaansamo dastuurka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xarriiqay in kalsoonida shacabka ay muhiimad weyn leedahay.

Dhammaan xubnaha golaha wasiirrada Soomaaliya ee goob joogga ka ahaa kulankaas ayaa isku waafaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dardar galinta howlaha doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here