Rabshado Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Ethiopian

0
938

ADDIS-ABABA — Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in shan qof lagu dilay banaanbaxyo ka dhan ah qorshe dowladda ay dooneyso in dhul beereed ku yaalla duleedka magaalada caasimadda ah ay u rogto aag ganacsi.

 

 

Wasiirka Isgaarsiinta Ethiopia Getachew Reda ayaa sheegay in tirada dhimashada ay sare u kici karto.

 

 

Taageerayaasha mucaaradka ayaa sheegay in in ka badan 30 qof lagu dilay saddex toddobaad oo dibadbaxyo ay ka socdeen gobolka Oromia ee ku yaalla hareeraha caasimada Addis-Ababa.

rabash

 

Dibad-baxayaasha oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa ku doodaya in qorshaha dowladda uu keeni doono inay lumiyaam is-maamul hoosaadkooda uuna curyaamin doono dadka Oromada ah ee ku nool duleedka Addis-Ababa.

 

Dowladda ayaa iyana dhankeeda sheegeysa in qorshaha lagu hormarinayo dhul beereedkan uu keeni doono ganacsi cusub ayna ka faa’iideysan doonaan dhammaan kooxaha kala duwan.

 

Oromada waa qowmiyadda ugu ballaaran dalka Ethiopia, waana 40% dadweynaha dalkaas.

 

VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here