Qodobbada ka soo baxay shir ay yeesheen Guddida Fulinta xisbiga Kulmiye

0
1065

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xubnaha guddida fulinta ee xisbi xaakimka talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa waxaa ay maanta isugu yimaadeen shir xaasaasi ah oo ay ku yeesheen xarunta guud ee xisbiga.

Shirkan ay isugu yimaadeen xubnaha guddida fulinta xisbiga Kulmiye, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland.

Waxaana ay xubnaha guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye ay kaga wadahadleen diyaargarowga arrimaha doorashooyinka iyo arrimo la xidhiidha xisbiga.

Guddida fulinta ee xisbiga Kulmiye, ayaa waxaa ay shirkooda ka soo saareen 3 qodob.

Hoos ka akhriso qodobada

1. In dhammaan xubnaha caddaystay inay ka baxeen xisbiga KULMIYE laga saaro goleyaasha ay ku jireen ee fulinta, golaha dhexe iyo guud ahaan xisbiga KULMIYE.

2. In aannu jirin garab xisbiga KULMIYE ka tirsan oo sheegan kara magaca xisbiga, isla markaana aanay afka xisbiga ku hadli karin, ciddii arrintaa u aqoonsataana ay jebisay qawaaniinta dalka iyo xeerarka xisbiga KULMIYE.

3. Guddigu waxay ugu baaqeen dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobollada iyo degmooyinka dalku isu diyaariyaan ololaha doorashooyinka oo dhawaan bilaabi doona, iyagoo ilaalinaya nabadgalyada, xasilloonida iyo shuruucda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here