London (HP): Hay’adda Qatar charity, ayaa lacag dhan 1 Miyan iyo badh oo Pound ugu deeqday cusbitaaladda kala duwan ee ku kala yaalla goboladda iyo degmooyinka dalka jamhuuriyadda Somaliland.
Kulan balaadhan oo lagaga yaboobahay lacagtaasi oo lagu qabtay magaaladda London ee dalka Britain, ayaanay masuuliyiinta haayadda Qadar Charity ku shaaciyeen in ay ku caawinayaan lacagtaasi horumarinta cusbitaaladda Somaliland.
Lacagtaasi ayaa labadda sanadood ee soo socda lagaga shaqayn doonaa horumarinta, iyo kor u qaadista kaabeyaasha caafimaadka ee Somaliland. Waxaana kulankaasi lagu qabtay xarunta King College London ee dalka boqortooyadda Somaliland.
Waxaana munaasibadaasi goob joog ka ahaa safiirka dawladda Qadar u fadhiya dalka Britain, Fahad Binnu Muxamed Al Ityaah. Maxamed NaasirAl Taani, madaxa ugu sareeya ee haayadda tabarucaadka Qadar.
Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xubno sar sare oo ka socday safaarrada ay dawladda Qadar ku leedahay magaaladda Lodon ee dalka UK.
Sidoo kale, waxaa xafladda joogay safiirka jamhuuriyadda Somaliland u jooga dalka Ingiriiska damjire Cabdi C/laahi, iyo madaxda ugu saraysa Kings College London, oo ah hay’adda soo qaban-qaabisay munaasibadaasi. Taasoo kor loogu qaadayo kaabeyaasha dhinaca arrimaha caafimaadka ee Somaliland.
Waxaana munaasibadaasi soo agaasintay xafladda Kings College London, oo kaashanaysa haayadda caawimooyinka u qaabilsan dalka Qadar ee loo yaqaanno Qadar Charity, ayaa lagaga yaboohay lacag gaadhaysa 1 Milyan, iyo 500,000 kun oo dollar, taasoo labadda sanadood ee soo socda lagu kabi doono horumarinta kaabeyaasha dhinaca caafimaadka ee Somaliland.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.