Qareenada Somaliland oo soo dhaweeyey wareegtadii Madaxweynaha

0
1371

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ururka Qareenada Somaliland, ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen wareegtadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka soo saaray arrimaha kiisaska kufsiga.

Wareegtada, ayuu madaxweynuhu wuxuu ku amray in kaliya fal dambiyeedka kufsiga lagu dhameyn karo maxkamadaha sharci ee awoodda u leh, iyadoo meesha laga saaray wadiiqooyinkii dhaqanka ee lagu xalin jiray arrimaha kufsiga.

Hadaba, Xoghayaha guud ee Ururka Qareenada Somaliland Xuseen Maxamuud Fadal oo maanta u waramay Idaacada VOA, ayaa ka waramay waxa ay ka dhigan tahay wareegtada madaxweynuhu ka soo saaray arrimaha kufsiga.

Xoghayaha, ayaana sheegay in wareegtada Madaxweynuhu soo saaray ay tahay arrin lagu yaraynayo oo lagu xakamaynayo, isla-markaana hoos loogu dhigayo kiisaska kufsiga ee ka dhici jiray Somaliland.

Wuxuu sheegay in wareegtadani ay meesha ka saarayso islamarkaana ay hor istaagayso arrimihii kale ee lagu xalin jiray kiisaska kufsiga.

Xoghaye Fadal, ayaa waxaa uu sheegay in arrimihii ay odayaasha dhaqanku ku dhamayn jireen kufsi ee magta lakala qaadan jiray ay dhiiri gelin u ahayd dhalinyarada, maadaama buu yidhi aan xukun la marsiin jirin cida falka gaysata.

Waxaa kaloo tilmaamay in wareegtadu yaraynayso xalalkii hore ee lagu dhamayn jiray kiisaska kufsiga.

Kiisaska kufsiga, ayuu sheegay in marka loo eego xeerka ciqaabta guud ay waajib tahay in qaranku oogo, oo aan laga heshiin karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here