Bahir Dar (Hargeisa Press) – Qaraxyo xoogan, ayaa ka dhacay afar goobood oo kala duwan oo ku yaalla magaalada Bahir Dar ee waqooyiga dalka Itoobiya, sida ay booliisku sheegeen.
Weerarkan, ayaa muujinaya in ammaanka gobolka Axmaarada oo ah gobolka labaad ee ugu weyn dalka Itoobiya uu sii xumaanayo.
Sida ay sheegtay afhayeenka booliiska,qaraxyada lala bartilmaameedsaday goobo “istaraatiiji” oo ah gudaha magaalada, xarunta u ah gobolka, waxaana loola dan lahaa in lagu ‘argagixiyo shacabka’.
afhayeenka, ayaan shaacin in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse waxay xaqiijisay in lix qof oo looga shakisan yahay inay falkaasi kadambeyeen gacanta lagu soo dhigay.
Sikastaba, dadka deegaanka, ayaa waxaa ay sheegeen in xaalada magaalada ay maanta deggeneyd.