Qarax khasaare sababay oo ka dhacay baar ku dhow Cental Hotel ee Magaaladda Muqdisho + SAWIRRO

0
873

MUQDISHO, 12-qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay gaadhi waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay oo duhurnimadii maanta ku qarxay illinka hore maqaayad lagu magacaabo Banoda oo cunnada laga cuno oo kasoo horjeedda Hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaan la ogeyn dhimashada iyo dhaawaca rasmiga ah ee ka dhashay, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay lagu arkayo dhiig badan oo daadsa, iyadoo ay halkaas gaareen ciidammo fara badan oo kuwa dowladda Somalia ka tirsan.

Qarax_Muqdisho_ka_Dhacay (3)

Gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa goobtaas lagu arkayay, iyadoo qaadaya maydadka iyo dhaawacyadii ka dhashay qaraxan oo firirkiisu ay gaareen meelo fog, waxaana goobta ku sugnaa xilliga uu qaraxu dhacayay dad aad u fara badan oo qaarkood cunteynayay.

Sidoo kale, qaraxan ayaa dhacay xilli maanta aad loo adkeeyay ammaanka Muqdisho; mana jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, inkastoo qaraxyada Muqdisho ka dhaca ay inta badan sheegato Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Qarax_Muqdisho_ka_Dhacay (5)

Hotel Central ayaa bishii aynu soo dhaafnay waxaa ka dhacay qaraxyo sababay dhimashada iyo dhaawacyada xubno ka tisran dowladda federaalka Somalia iyo shacab halkaas salaad ku tukanayay.

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli toddobaadkii hore Al-shabaab ay ku qaadday weerar dhismaha wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 18-qof oo uu ku jiro askar ka tirsan ciidamada AMISOM.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here