Qarax Ka Dhacay Saldhig Ciidan oo Ku Yaalla Muqdisho

0
508

Muqdisho (Hargeisa Press) – Qarax is-miidaamin ah, ayaa maanta ka dhacay bannaanka xerada ciidamada Jeneraal Dhagabadan ee degmada Wadajir una dhow Warshaddii hore ee Nacnaca ee magaalada Muqdisho, sidaasi waxaa sheegay goobjoogayaal iyo ilo wareedyo caafimaad.

Qaraxan is-miidaaminta ah, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac. ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in qaraxan is-miidaaminta ah ay dad ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Wararka, ayaa waxaa ay sheegayaan in ay ku dhinteen ilaa 15 qof, in ka badan 10 kalena ku dhaawacmeen.

Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, ayaa iyagu sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Ma aha markii ugu horraysay ee isla nawaaxiga qaraxu ka dhacay ay weeraraan ururka Al-Shabaab iyaga oo hore u beegsan jiray dadka qoranaya askarta dowladda.

Weerarkan, ayaa sidoo kale imanaya iyada oo ururka Al-Shabaab toddobaadyadii u dambeeyey uu soo food saaray guluf dagaal oo uga imanaya ciidamada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka, kuwaasi oo ka qabsaday tobannaan tuulo iyo deegaan oo ku yaal gobollada Hiiraan iyo Galguduud.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Turkigu ‘kusoo biirtay’ in ay taageero dhinaca cirka ah siiso ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin inay taageero cirka ah siiso Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here