Qalabkii nidaamka hubinta codbixiyeyaasha oo Somaliland soo gaadhay

0
1727

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal International ka soo degay qalabkii iyo koombuyuuteradii lagu hirgelin lahaa nidaamka hubinta codbixiyeyaasha Booyoomitrigga ah ee IRIS BVVS ee lagu gelayo doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyadda iyo ururrada siyaasadda.

Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland oo ay weheliyaan xisbiyada iyo ururrada siyaasadda, ayaa qalabka ka soo dejiyay garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Qalabkan nidaamka hubinta codbixiyeyaasha, ayaa lagu geli doonaa Doorashooyinka xisbiyada iyo ururrada siyaasadda Somaliland oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan 13 bisha November sannadkan 2024-ka.

Nidaamka hubinta codbixiyeyaasha Booyoomitrigga IRIS BVVS, ayaa laga hirgellin doonaa lixda magaalo caasimaddeed ee dalka Somaliland.

Tallaabadan, ayaa ah mid muhiim u ah xaqiijinta iyo qabsoomida doorasho daahfuran, xor ah oo xalaal ah oo Somaliland ka dhacda.

Qalabkan nidaamka hubinta codbixiyeyaasha ee indhaha oo maalmihii u dambeeyay ay dood xoogani ka taagnayd, ayaa xal laga gaadhay, taasi oo ay si weyn u diidanaayeen qaar ka mid ah xisbiyadda iyo ururrada siyaasadda.

Somaliland, ayaa 13 bisha November looga dareeri doonaa doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyadda iyo ururrada siyaasadda, iyadoo ay doorashadani tahay tii igu loolanka adkayd abid ee Somaliland ka dhacda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here