Qaar Ka Mid Ah Qurbajoog Reer Gabiley Oo Deeq Lacageed Ku Wareerjiyey Gudiga Abaaraha Gobolka

0
719
Gobolka Gabiley

Gabiley , (HargeisaPress) —Waxa maanta la soo gaadhsiyeey gudiga abaaraha gobalka gabiley deeq lacageed oodhan 2000$ lacagtan oo muwaadin qurbajoog ahi kusoo hagaajiyey ganacsade kayse xaaji muuse oo ka tirsan ganacsatada gabiley maaha deeqdii ugu horaysay ee lasooo gaadhsiiyo gudiga abaaraha isla markaana gudigan oo iyaguna gaadhsiiya dadka ay abaarahani baahsani haleelen oo ay deaagamada iyo tuuloyinka  waqooyi /koonfurta gobalkani gaadhsiyeen deeqo kala duwan oo raashimo ah iyo dawooyin caafimaad madaama ay abaaratani ku reebtey daranyo iyo diif ay la ildaranyihiin tuuloyinka iyo deegamada uu ka koobanyahay gobalkani.

 

Hadaba waxa madashani kaso qayb galay masuuliyinta heer gobal iyo heer degmo oo iyaguna ka jeediyay hadalo iskugu jira mahadnaq iyo fariimo gubaabo ah oo ay gudbinayeen cidkasta oo ka qayb qaadatay abaarahani baahsani isla markana waxtar gargaarnimo u muujiyeey dadka ay walaalaha yihiin ee reer gabiley oo mihiim tahay inay wax soo taraaan dadkooda baahan.

 

Sidoo kale waxa  iyaguna ka hadley qaar ka mid gudiga abaaraha oo fariin baaq ah udirey xukuumada iyo hayadaha ku shaqada leh deeqaha isla markaana ka hawlgala guud ahaan gobalada Somaliland iney dhinacooda ka qayb qaatan abaaraha baahsani oo si wadajir ah wax looga qabto.

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here