GABILEY , (HargeisaPress) —Iyadoo ay wali jiraan abaaraha baahsan ee haleelay degmooyinka iyo tuulooyinka ee ka tirsan gobalkani gabiley isla markaana masuuliyiinta heer gobal iyo heer degmaba ay la tacalayaan waxkaqabashada xaaladaha abaaraha ee dad iyo xoolaba leh ayaa badhasaabka iyo masuuliyiinta gudiga samato bixinta abaaraha ayaa saaka ku waabaristey degmada allaybaday ee gobalka gabiley iyagoo gaadhsiyeey deeq raashin ah oo ka kooban .bariis,daqiiq,Sonkor,Saliid hadaba tirada qoysaska la gaashsiiyey raashinkan ayaa ka koobnayd 600 oo qoys oo la ildarnaa dhibaatooyinka abaaraha oo guud ahaan sameeyey gobolkani.
Hadaba demada allaybadey iyo dadwaynaha ku nool degmadaasi ayaa aad ugu mahadnaqaey qurbajoogta ay walaalaha yihiin ee gobalkani deeqda aysoo gaadhsiyeen degmada allaybadey islamarkaana deeqdani aanay ahayn deeqdii ugu horeysay ee lasoo gaadhsiiyo dadwaynaha reer allaybadey oo deeqo hore ay usoo gaadhsiyeen masuuliyinita gobalka gabiley iyo gudiga samato bixinta abaarahu.
Sidoo kale waxa iyaguna ka Hadley qaar ka mid gudiga samato bixinta abaaraha iyo badhasaabka kuxigeen gobalkani gabiley cali case oo aad iyo aad ugu qubajooga reer gabiley ee deeqdani sooo gaadhsiyeey gudiga abaaraha isla markaan sheegay iney deeqdani sidiii loogu talogalay looo gaadhsiyeey dadkiii dhibaataysanaa ee ay sooo barakiciyeen abaaruhu isagooo badhasaabku in deeqo noocan oo kale ahna hore loo gaadhsiyeey waqooyiga iyi koonfurta gobalkani gabiley.
Gudiga samato bixinta abaaraha ayaa iyguna dhinacooda u mahadnaqey qurbajoogta reer gabiley ee deeqda raashinka ah sooo gaadhsiyeey walalahooda ay waxyeelayeen abaaruhu isla markaana u duceeyey una gudbiyey fariimo isku duubni iney dalkooda iyo dadkkodaba waxtari karaan iyagoo isku xidhan allena ku baryey nimacdiisa roobka ah inuu u soo shuba.
Hadaba iyadooo abaarahi baasani ay ka jiraaan gabi ahaan wadanka dhamaantiba iayadooo dhibaatada abaaraha lagu kala duwaana bari/galbeed Somaliland ayaa abaaro 2:00 duhurnimo alle S.W.T uu roob nimcaysan ka shubey degaamada gobalkani gabiley roobkaas oo socdey ku dhawaad hal saac iyo badh.
Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley
Email: wacay28@hotmail.Com