“Qaab Maafiyaan-nimo oo Afduub ah ayaa lay qabtay” Fannaan Khaalid Kaamil

0
3997

Hargeysa (Hargeisa Press)- Fannaanka da’da yar ee Khaalid Kaamil, ayaa goor-dhawayd oo caawa ah dib u helay xoriyadiisa, kadib markii maanta lagu xidhay magaalada Hargeysa.

Fannaan Khaalid Kaamil oo sii dayntiisa kadib warbaahinta la hadlay, ayaa ka waramay ujeeda xadhigiisa iyo cidii ka dambaysay.

Wuxuu sheegay Fannaanku in markii la la qabanayay loo qabtay qaab maafiyo-nimo oo afduub ah.

Fannaan Khaalid Kaamil, ayaa waxaa uu sheegay in lagu xidhay sharci daro iyo xadgudub, isagoo ku sii socda guriga Fannaaniinta kooxda Dayax-band.

Sii deyntiisa, ayuu fannaanku sheegay in ay ka qayb qaateen shaqsiyaad uu sheegay inay ka mid yihiin, Abwaan Daaha Cabdi Gaas, ciyaartoy hore Jaamac Karaaciin iyo Siyaasi Ibraahim Caydiid.

Fannaanka, ayaa sheegay in lagu dabo jiro cidii ka dambaysay xadhigiisa ee afduubtay, isagoona sheegay in saacadihii uu xabsiga ku jiray aan wax dhib ah loo gaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here