Ogeysiis: Shirka Beesha Xasan Axmed (Reer Saalax) Ka tirsan Beelweynta Gaashaanbuur Axmed Faarax uga furmi doona London UK.

0
1206

Waxa la ogaysiinayaa dhamaan Beesha Xasan Axmed (reer Saalax) Ka tirsan Beelweynta Gaashaanbuur Axmed Faarax ee degan qaaradaha Dunida sida Yurub, Amerika, Australia iyo wadamada carabtaba in ay ka soo qayb galaan Shir balaadhan oo maalinta Axada INSHA Allah ee 09/10/16, ka dhici doona magaalada London.

 

Shirkan oo lagaga hadli doono arimo khuseeya danaha beesha Xasan Axmed (reer Saalax) waxa xubnaha aanay waqtigu u saamixin inay toos uga qayb galaan kaga qayb geli doonaan dhinaca khadka telefoonka.

 

Shirkan oo ah mid ay ka qaybgeli doonaan wax garadka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, chief Caaqilka beesha Cismaan Saleebaan Diiriye, Xildhibaanka beesha Xasan Axmed (reer Saalax) iyo Baha Axmed ee Gollaha degaanka Burco, Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) ayaa ah mid muhiimad weyn laga leeyahay.

 

Hadaba waxaa la ogaysiinayaa dhamaan Beelweynta Xasan Axmed (Reer Saalax) iney si mug iyo miisaan leh uga soo qayb galaan wakhtigana ilaaliyaan , cinwaanka goobtuna waa sida hoos ku qoran, Saacada shirka la isu iman doono insha allah waa 1:00, duhurnimo taariikhduna waa sida kor ku xusan.

 

Goobta shirka: 158 Camberwell Road
SE5 0EE
London
Taariikhda: 09/10/2016.
Fadlan ha laga soo wada qaybgalo shirkan oo muhiimad weyn u leh beesha,waqtigana ha la ilaaliyo.

Ilaahay baa mahad leh.

Guddomiyaha Beesha Xasan Ahmed (Reer Saalax)
Mubaarak Maxamed Nuur (qoorubaxay)
0046762637251
Sweden
Gudoomiye ku xigeenka Beesha Xasan Axmed (Reer Saalax)
Kaise Ahmed Cawed
004745924722
Norway

Gudida qabanqaabada Shirka.

Kaise Biixi Ismaaciil mobile 00447983818353
Khadar Yuusuf cilmi
00447932333600

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here