Hargaysa (HP): Shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel oo ka hawl galla Somaliland ayaa si rasmiya u kala saxeexday heshiiska isku-xidhka wada-hadalka taleefoonada iyo fariimaha labada shirkadood.
Heshiiskani waxaa ka soo shaqaysay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland kaasoo ay in muddo ahba soo waday.
Munaasibadii kala saxeexashadda heshiiska isku xidhka shirkadaha isgaadhsiinta (Interconnection Agreement) waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland, masuuliyiin ka kala socday labadda shirkadood ee TELESOM iyo SOMTEL.
Akhriso Nuxurka Heshiiskaasi Oo Qoraal ah:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.