Hargeysa, (HargeisaPress) —Go,aanada Guddidu kazoo saartay dacwada Xisbiga Ucid, nuxurkoodu wuxuu noqonayaa Dhamaystirka Heshiiskii Isbahaysiga Labada Garab ee ku taariikhaysan 12/07/2016 wixii qabyo ka ah. Hadaba Heshiiska Midawga labada garab waxa saldhiga u ahaa Laba Shardi oo Waa wayn 1.Inay qabsadaan shirkii Golaha Dhexe. 2. Inay qabsadaan Shirweyne aan caadi ahayn.
Qodobka 1aad wuu fulay 12/07/2012 waxa la qabtay Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe, waxaana lagu ansixiyay Heshiisyada labada garab, labada xubnood ee garabka Jamaal hogaanka xisbiga ay ku yeelanayaan Gud. Ku xigeenka 3aad Muj Cali Guray iyo Xoghayaha Guud Kayse. Sidoo kale waxa cod gacantaag ah lagu Doortay Musharaxa Madaxweyne Jamaal Cali Xuseen iyo Musharax ku Xigeen Cabdirashiid Xasan. Mana Jiro Shir Gole Dhexe oo danbe oo lagu dooranayo Musharax Madaxweyne si waafaqsan Qodobka 6aad ee Go,aanka Guddida Ref. GDU/ A/ SS /229/2012, kuna taariikhaysan 21/07/2012. Jamaal Cali Xuseen yahay Musharax Rasmiga ah ee Ucid marka shirweynahu ansixiyaan Heshiiska.
Qodobka 2aad. Muu fulin lagumana guulaysan in la qabto Shirweyne aan caadi ahayn si loogu ansixiyo heshiiska qodobada u baahan shirweyne sidoo kale wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka Guud ee Xisbiga Ucid, Sida balaadhinta golaha dhexe oo halkii uu ka ahaa 181 laga dhigo 301. Guddida fulinta halkii uu ka ahaa 35 laga dhigo 55. Go,aankan maanta ee Guddidu Diiwaangalintu wuxuu suurtagalinayaa dhamaystirka Heshiiska Labada Garab iyo fulinta shardigii 2aad ee Heshiisku lahaa.
UCID GUUL
Guul iyo Gobanimo.
Mohamed Gacayte
Hargeisa. Somaliland.