“Ninka Muqdisho aan maamuli karayn, ma maamuli karo meel aanu tegi-karin..”

0
1188

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha akademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland Garyaqaan Maxamed Faarax Xirsi, ayaa waxaa uu si adag uga hadlay dagaalka qaawan ee Maamulka Soomaaliya ku soo qaaday dalka Somaliland.

Guddoomiyaha akademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland oo u waramay Telefishanka dowladda Somaliland, ayaa wuxuu sheegay in dagaalada lagu wado Somaliland inay hadda marayso in la weeraro ganacsiyada Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in arrintani ay tahay mid lagula dagaalamayo masiirka umadda reer Somaliland.

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh iyo maamulkiisu ay u tageen dalalka Turkiga, Masar, Mareykanka, Ingiriiska iyo China, iyagoo leh waxaanu albaabada u laabaynaa Somaliland, taasi oo uu sheegay inay u suurto geli weyday.

Wuxuu sheegay in ninka Muqdisho aan maamuli karayn ee 20 ka kun ee Afrikaanka ahi ku ilaaliyaan aanu maamuli karin meel aanu tagi karin, isla-markaana aanu hawadeedana dulmarin karin.

Guddoomiyaha akademiga nabadda iyo horumarka Somaliland, ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay xadhiga ay Soomaaliya kula kacdo dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku nool Xamar.

Ugu danbayntii, Guddoomiyaha, ayaa waxaa uu fariin culus u diray xukuumadda dalka ka talisa iyo shacabka reer Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here