Nin Ka Soo Jeeda Qowmiyada Oromada oo Dil Ka Geystay Hargeysa

0
1347
dil-ka-dhacay-hargeysa

Hargeysa (Hargeisa Press) – Nin ka soo jeeda qoomiyada Oromada ee dalka Itoobiya, ayaa xalay magaalada Hargeysa ku dilay Wiil Dhalinyaro ah oo da’diisu tahay 22 sanno jir.

Dilkan oo ka dhacay afaafka hore ee Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa, ayaa Ninkan Oromada ahi ku dilay Wiilka Dhalinyarada ah Feedh Jilib.

Ciidamada booliska Somaliland, ayaa warbixin ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan eedaysanaha, loo haysto dilka wiilka dhalinyarada ah.

“Ciidanka Booliska JSL  ayaa caawa gacanta ku soo dhigay eedaysane Ifsa Axmed Shariif oo ku eedaysan ina uu dilay Aamiin Siciid Sidiiq oo 22 jir ah, eedaysanahan oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada ayaa ku eedaysan in uu ku dilay marxuumka feedh jilib uu ku dhuftay, dilkan ayaa ka dhacay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeisa hortiisa”.ayaa lagu yidhi warbixinta ay soo saareen Ciidanku.

Ciidanka, ayaa sheegay in ninka dilka gaystay uu ka baxsaday goobta uu dilka ku gaystay, kadibna lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada booliisku fuliyeen.

Ugu danbayn ciidanka booliiska, ayaa digniin siiyay cidkasta oo isku dayda in ay ku kacdo fal amni daro ah, dhinaca kalena, shacabka ayay uga mahadnaqeen wadashaqaynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here