Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland oo la shaaciyay

0
1072

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay natiijooyinka imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 4aad ee Dugsiyada Sare iyo fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Wasiirka waxbarashada Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka qaranka iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada, ayaa si rasmi ah u shaaciyay natiijada imtixaanka shahaadiga ah.

Imtixaanka shahaadiga ah oo ay sannadkan ay u fadhiisteen 38,712 Arday oo isugu jiray 15,688 arday oo dugsiyada Sare iyo 23,024 arday oo dugsiyada Hoose Dhexe ah, kuwaas oo wax ka baranayey 176 dugsi oo kuwa Sare ah iyo 618 dugsi oo kuwa Dhexe ah.

Waxaa kale oo Sannadkan imtixaanka u fadhiistay 248 arday oo wax ka barta 4 dugsi oo kuwa farsamada gacanta ah.

Hablaha Somaliland, ayaa iyaguna sannadkan guul weyn oo taariikhi ah ka soo hooyay imtixaanka shahaadiga ah.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Dr.Axmed Aadan Buuxane, ayaa sheegay, in ay wasaaradda waxbarshaddu deeq waxbarasho oo bilaash ah siin doonto ardayda kaalmaha hore ka gashay imtixaanka shahaadiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here