Mujaahid Cali Guray Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistii Uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ku Sameeyey Gudoomiyihii Gobolka Saaxil, Marwo Rooda Axmed Yaasiin.Eedaymona Usoo Jeediyay Faysal Cali Waraabe

0
877

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudoomiye ku xigeenka saddexad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray ayaa ka hadlay xil ka qaadista oo gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku sameeyey gudoomiyihi gobolka saaxil marwo Rooda Axmed Yaasiin,waxana uu xil ka qaadistaasi ku tilmaamay mid an ansax ahayn isla markaana ay lamid  tahay waraaq ay dabaylo wataan.

 

Waxaan uu sheegay in masuuliyiinta gobolka saaxil ay xaq u leeyihiin inay gudidooda doortaan isla markaana aanu faysal xaq u lahay inuu xil ka qaadis kau sameeyo, waxaana uu sheegay in Faysal Cali Warabe loosoo adeegsaday qandaraas ah burburka xisbiga UCID.

 

Qoraal uu mujaahid Cali Guray baahiyay ayaa waxa uu kaga hadlay arimo badan waxaana uu u dhignaa sida tan.

 

Waxba kama jiraan warqadda dabayluhu wataan Gobolka Saaxil iyaga ayaa xaq u leh inay gudidooda doortaan. Talaabadan iyo kuwii horeba isagaa iska qoray. Shakhsi UCID ah oo Gobolka Saaxil ah oo ogolaanayaa ma jiro waayo wax talo ah oy ku leeyihiin ma jirto Xeerka UCID-na ma waafaqsana. Bal u fiirso xataa midabka astaanta UCID sax maaha. Bal aan eegno Mushruuca burburinta UCID ee qandaraaska uu ku soo qaatay inta uu socdo. Faysal wuxu taagan yahay UCID waa aniga ee anigu UCID ma ihi wax shaqaynayana maaha in uu qof keligii xisbi noqdo. Taariikhda markii horeba madoobayd ee ina Cali Waraabe tanna waxay ka dhigtay haduu sii go’ay

 

Ninka xisbi hogaamin kari waayay ee qaran inu hogaamiyo ku taanayaa wuxu ka dhigan yahay kii adhiga raaci kari waayay ee yidhi aan geela raaco. Faysal maqal laguma aamini karo. Dawladan malaha waxay ahayd in la yidhaa Dawladii Burburinta Xisbiyada Qaranka taas macnaheedu wuxu noqonayaa inay cadow u tahay dhismaha qarannimada Somaliland hadii aanay ka ahayn caqligaabnimo iyo ANAASU ACDAA UN BIMAA JAHILUU( dadku waa u cadow wixii ay jaahil ka yihiin ama aanay aqoonin. Markaa Reer Somaliland gaar ahaan reerka Isaaq la yidhaa way rumooday in aanay waxba ka aqoon qaranimo iyo dawladnimo waxba ka aqoonin. Markaa qaran dhis ma looma jeedo eh reero wada yaal oo nabad ku wada jooga kolba cidda mar kursi hesha ee loo doortaana ay intay doonto iskaga fadhido kana dhaqato oo inta intay ka urursan karto ka urursato. Sidaasina dawladnimo iyo qarannimo midna laguma sheegi karo mar hadii aan dastuurkii iyo shuruucdii la dhigtay aan laguna dhaqmayeen wax macno ah oy leeyihiina aanay jirin.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here