Hargeisa (Hargeisa Press) – Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan-Turki), oo ka mid Mujaahidiintii SNM, ayaa ka digay wax kasta oo nabadgalyada iyo xasiloonida dalka khal-khal ku keenaya, waxaanu ku baaqay in laga hor tago, laguna dedaalo wax kasta oo keeni kara dhibaatooyin.
Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan-Turki), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dawladdii Siyaad Barre, waxaynu kula dagaalanay waa dulmi iyo hagardaamo ay inagu haysay, waxaana inaga mar kasta waxaa la inaga rabaa inaynu ka fogaano wax kasta oo dulmiga keenaya, aynu dhaqan ka dhigano cadaaladda oo Dugsiyadu si fiican wax ha ugu dhigaan Ardayda, oo culays iyo cadaadis haddii ay Ardaydu tirsanayaan ha ka dayaan, Ardayduna ha iska ilaaliso wax kasta oo buuq, dhibaato iyo nabadgalyo daro keenaya”.
Mar uu ka hadlayey Doorashooyinka ayuu yidhi “Doorashooyin baynu galaynaa, ee Xisbiyada waxaa looga baahan yahay inay si fiican u tartamaan, oo ay iska ilaaliyaan wax kasta oo cadaawad keenaya, Komishankana waxaa laga rabaa inuu si fiican ugu garsooro Xisbiyada”.
Dhanka kale, wuxuu ka hadlaayey Micaarajka Nebiga iyo qiimaha uu leeyahay, waxaanu ku taliyey in mar kasta muslimiinta laga rabo inay nebigooda saligiisa badiyaan, kana difaacan cid kasta oo wax ka sheegta.