Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirkii hore ee Wasaarada warfaafinta iyo wacyi-galinta Somaliland Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa manta dalka uga amababaxey Wadanka Hindiya halkaas oo uu u gaadhay Xaalad Caafimaad oo lasoo daristey dabayaaqadii Bishii Ramadaan si loogu soo baadho xaalada Caafimaad islamarkaana, uu isugu soo daaweeyo inta dhiman.
Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale , oo maanta ka dhoofay Madaarka Caasimada Hargeysa ee Cigaal International Airport waxa uu sheegay in xaaladiisa Caafimaad aad u wanaagsan tahey illaahayna ka rajeynayo in uu Caafimaad kusoo laaban doono,waxaanu uga Mahad celiyay Bulshada Reer Somaliland intii Cusbitaalka kusoo booqatey iyo intii hawada uga ducaysayba, Guddo iyo dibaddba Qurba joogu ha u badnaadeene haday yihiin Siyaasiyiin,Madaxdhaqameed,iyo guud ahaanba shacabka Somaliland.
Xaalada Caafimad ee Wasiirkii hore ee Wasaarada warfaafinta iyo wacyi-galinta Somaliland Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa aad usoo raysay maalmhii u dambeeyay kadib markii xanuun kusoo booda ahi ku dhacey soonka dabayaaqadiisii oo Xanuunka Sonkortu xajin waayay.
Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa xanuunku ku soo booday isaga oo ku hawlan soo dey deynta dhallinyartii muddooyinkii dambe u xidhnaa dhalliilo ay u soo jeediyeen heshiiska wareejinta dekadda Berbera.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP