Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo Hadda Xaalad Caafimaad Loo Dhigey Dhakhtarka Weyn ee Hargeysa

0
888

Hargeysa, (HargeisaPress) —Alle ha caafiyee waxa xaalad caafimaad goor dhaweyd loo geeyey Cisbitaalka Hargeysa Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo uu xanuun ku soo booday.

 

Sida warbaahinta HargeisaPress u xaqiijiyeen dhakhaatiirta Cisbitaalka, ayaa sheegaya in xanuunka Boobe loo dhigay Cisbitaalka Hargeysa uu yahay xanuunka Macaanka oo aad ugu kacsan.

 

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa xanuunku ku soo booday isaga oo ku hawlan soo dey deynta dhallinyartii muddooyinkii dambe u xidhnaa dhalliilo ay u soo jeediyeen heshiiska wareejinta dekadda Berbera.

 

Maamulka Warbaahinta HargeisaPress, waxa ay Alle ka baryeysaa in uu caafimaad sareecan ah uu siiyo Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah haldoorka Somaliland.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here