Mudaharaad Rebshado Watay Oo Ilaa Gabal-dhicii Ka Socday Laascaanood

0
850

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Wararka naga soo naga soo gaadhaya magaaladda Laascaanood ayaa sheegaya in maanta ay mudaharaadyo rebshaddo watay ka dhaceen magaaladaasi, kaasoo socday ilaa gabaldhicii.

Mudaharaadyadan ayaa ka dhashay kadib markii laba maalmood ka hor  hawl gallo ay ciidamadda boolisku ka sameeyeen magaaladda Laascaanood uu hal qof ku dhintay mid kale-na ku dhaawacmay.

Inkastoo qofka labaad ee dhaawacmay uu shalay ku geeriyooday cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood oo la keenay dhaawiciisa si loogu daaweeyo.

Labadda nin ee geeriyooday ayaa la sheegay in ay ku dhacday ama ay u dhinteen Rasaas ay ciidamadda boolisku ku rideen, xili ay ku guddo jireen hawl gal  lagu banaynayay xaafado ka mida magaaladda Laascaanood laba maalmood ka hor.

Iyadoo magaaladda Laascaanood uu muddooyinkanba ka socday qorshe la doonayo in wax lagaga qabto qaab dhismeedka iyo bilicda magaaladda, isla markaana wadooyin xidhmay oo ay dad degeen lagu banaynayay.

Labadda marxuum ee la sheegay in ay u geeriyoodeen rasaas ay boolisku ku rideen oo aanu isku daynay in aanu helno magacyadoodda ayaanay noo suurto gelin, balse waxaa la sheegay in labadda ninba ay ka mid ahaayeen dadka shacabka ah ee ku nool Laascaanood.

 

Waxaanay wararku sheegayaan in mudaharaadkan maanta uu dhacay kadib markii eheladda ninkii doraad Laascaanood ku geeriyooday ay diideen in la aaso, ilaa la keeno cida dilkiisa gaysatay.

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sitay boodhadh ay ku muujinayeen sida ay uga soo hor jeedeen hawl galadda dawladu ka samaysay magaaladda ee master plan-ka, kaasoo ay ku tilmaameen mid dhul lagu xoogayo.

Warku waxa uu intaas ku daray in masuuliyiinta gobolka Sool oo uu wehelinayo wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo jidadka Somaliland Laascaanood safar ku joogaa ay isku deyeen in ay eheladda ninka ku qanciyaan in si deg deg ah magtiisa ay xukuumadu u bixiso.

Hase yeeshee eheladda marxuumka ayaa la sheegay in ay soo jeedintaasi ku gacan saydheen, taasoo sii kordhisay in ay soo xoogaystaan mudaharaadyadda rebshadaha wata ee maanta magaaladda ka dhacay.

Geesta kale badhasaabka Sool iyo wasiir ku-xigeenka gaadiidka oo isna ku sugan Laascaanood oo aanu caawa marar badan isku daynay in aanu la xidhiidhno ayaanay noo suurto gelin, kadib markii ay telefoonadda ka jawaabi waayeen.

Sidoo kale xukuumadda dhexe ee Somaliland gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha ayaan ilaa hadda ka hadal dhacdadan maanta ilaa shalay ka taagnayd Laascaanood.

Wararkii ugu danbeeyay ee aanu ka helnay Laascaanood ayaa sheegaya in markii ay istaagi waayeen mudaharaadyadan Laascaanood ka dhacay maanta in gabal-dhicii galabta loo dalbaday ciidamadda milateriga oo gudaha magaaladda soo galay.

Si ay u kala kexeeyeen dadweynihii gadoodsanaa kadib markii ay ciidamadda boolisku u taag waayeen kala kaxaynta dadkaasi mudaharaayadayay oo ka cadhaysan labadda qof ee u geeriyooday rasaasta booliska.

Dhinaca kale xaaladda magaaladda Laascaanood ayaa la sheegayaa in ay caawa ka degan tahay sidii ay xaaladu maanta ahayd, kadib markii ciidamadda milateriga ay xoog iyo rasaas ay cirka u ridayeen ku kala kexeeyeen dadweynihii mudaharaadayay.

Sidoo kale maadaama oo xili habeen ah ay tahay dadweynihii mudaharaadka dhigayay oo u badnaa dumar iyo dhalinyaro ayaa guryahooda tegay cabsi ay ka qabaan darteed in dhibaato ay ka soo gaadho ciidamadda milateriga ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here