Wasaaradda Gaadiidka Somaliland Oo Awaamiir Cusub Ku Soo Rogtay Baabuurta

0
1409

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasaaradda gaadiidka iyo Jidadka Somaliland ayaa shaacisay in ay dalka keenayso qalabka lagu yareeyo xawaaraha ay gawaadhidu ku socdaan si looga hor tago khasaaraha badan ee ka dhasha shilalka baabuurta.

Wareegto uu maanta soo saaray wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo jidadka Somaliland C/laahi Abokor Cismaan, oo warbaahinta loogu tallo galay ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay keenayso qalab casri ah si ay wax uga qabato ugana  hortagto khasaaraha Gaadiidka.

Qalabkaasi oo loogu tallo galay in lagu rakibo gaadiidka si loo xaddido xawaaraha gaadiidka (Vehicle Speed Governors).

Sidoo kale wasiirka ayaa wareegtadiisa waxaa ku jiray qodobo ilaa shan ah oo la faro dhamaan mulkiilayaasha shirkadaha Gaadiidku ay iska diiwaangaliyaan wasaaradda si loo hubiyo xaaladiisa badqab.

Iyadoo hawl galka barnaamijkani marka u horaysa laga bilaabayo labadda  ee Maroodijeex iyo Togdheer,ka dibna gobolada kale ee dalka  la gaadhsiin doono sida ugu dhakhsaha badan.

Wareegtadda uu maanta soo saaray wasiirka gaadiidka iyo Jidadka Somaliland oo nugul ka mida uu soo gaadhay shebekadda wararka ee Hargeisa Press, waxa uu dhignaa sidan:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here