Mucaaradka oo Ka Hadlay Sababta Ay Uga Baaqsadeen Kulanka Madaxweyne Biixi

0
1462

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hoggaanka labada xisbi mucaarad ee Somaliland Waddani iyo UCID, ayaa go’aansaday in aanay ka qayb-gelin kulankii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku martiqaaday.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kulan lagaga wadahadlayay arrimaha Doorashada u fidiyay xisbiyadda mucaaradka, kaddib markii uu digreeto ku soo saaray xilliga la qabanayo doorashooyinka.

Hadaba, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay dalabka Madaxweyne Biixi, ayaa waxaa uu sheegay in kadib markii ay ka tashadeen codsiga madaxweynaha uga yimid ay go’aansadeen in anay ka qaybgelin kulanka.

Waxaa uu sheegay in aanay jirin habayaraatee wax uu Madaxweyne Muuse Biixi ugu yeedho mucaaradka oo hadhay, maadaama buu yidhi ilaa iyo maalintii uu yimid xukunka, wixii ay Somaliland ku soo caano maashay, ee sharci ahayd, tanaasul iyo wadatashi uu laabay.

Faysal, ayaa mid aan sharci ahayn ku tilmaamay Doorashada ururrada ee dhawaan ay Guddida Doorashooyinku qorshaysay in ay ka soo horayso doorashada madaxtooyada, oo aan lahayn nidaam sharci oo loo raaco.

Sidoo kale, waxaa uu ka hadlay digreetadii uu Madaxweynuhu 7 August ku meelmariyay jadwalka doorashooyinka, isagoona ku eedeeyay in uu qorshaystay in aanu xukunka ka tegin oo uu soo saaray digreeto doorasho oo aan sharcina ahayn, sharcigeediina aanu samaysnayn.

Digreetada Madaxweynaha, ayaa lagu go’aamiyay in doorashada xibsiyadu dhacayso 28-ka bisha December ee sannadkan, halka tan madaxtinnimada ay dhici doonto 13-ka November ee sannadka dambe.

Madaxweyne Biixi, ayaa maanta kulan lagu dardargalinayo qabsoomida doorashada ururrada la yeeshay Madaxda ururrada siyaasada, kadib markii ay mucaaradku ka baaqdeen kulanka Madaxweyne Biixi, ugu yeedhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here