Hargaysa (HP): Xildhibaan Mustafe Maxamed, oo ka mida golaha Wakiiladda Somaliland ayaa sharci darro ku tilmaamay ansixintii ay shalay golaha Wakiiladu ku meel mariyeen go’aankii maxkamadda sare ee haayadda Caymiska qaranka.
Waxaanu sheegay in mooshinkii ay xildhibaanadu shalay ka keeneen haayadda Caymiska, ee ay hore maxkamadda sare qaraarka uga soo saartay in aanu ahayn mooshin sharci ah.
Xildhibaan Mustafe, ayaa tilmaamay in maxkamadda sare ay soo saartay go’aan maamul oo ay shirkad gaar ah ugu xidhay addeegga Caymiska gaadiidka, isla markaana ay shirkadaha Caymisku xaq u lahaayeen in ay go’aankaasi maxkamadda sare ka racfaan qaataan.
Iyadoo ay hore uga racfaan qaateen maxkamadda sare, maadaama oo uu nidaamka sharciga ah sheegayo in go’aamadda maamul ee rabitaanka in looga racfaan qaadayo maxkamadda sare ee dalka.
Xildhibaan garyaqaan Mustafe Maxamed, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa ka warbixiyay arrintaasi marka dhanka sharciga laga eego sida ay tahay iyo in ay sharci tahay iyo in kale.
Mustafe Maxamed, oo ka mida golaha Wakiiladda Somaliland ahna guddoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka shuruucda iyo arrimaha garsoorka.
Isagoo sidoo kalena hore muddo dheer u soo ahaa garyaqaanka guud ee golihii Wakiiladda ee dhawaan xilkoodu dhamaaday.
DAAWO: Xildhibaan Mustafe Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:
https://youtu.be/hPB8Etfto9o
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.