Militariga Gobolka Tigreega oo Dhoolatus Sameeyay

0
1563

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Militariga gobolka Tigreega ayaa dhoolatus ka sameeyay halkaas xilli ay sare u kaceyso xiisadda ka dhex taagan gobolkan iyo dowladda federaalka.

Ciidammada gaarka ah iyo miltariga ayaa la arkayay iyagoo labadii maalin ee lasoo dhaafay dhoolatus ku sameynaya magaalada caasimadda u ah gobolka ee Mekele iyo magaalooyin kale.

Maamulka gobolka Tigreega kama aanu hadlin sababta ka dambeysa dhoolatuskan militari.

Xisbiga TPLF oo hore uga tirsanaa xisbigii EPRDF ayaa dalka Itoobiya maamulayay 27 sano, Way kala boodeen Abiy Axmed markii uu xilka qabtay , iyagoona markii dambe diiday in ay ku biiraan xisbiga cusub ee barwaaqada ee PP.

Waxay ku dhawaaqeen doorasho u gaar ah kaddib markii dowladda federaalka ay dib u dhigtay doorashada feyraska Corona awgii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here